spot_img

Shirka Madasha Wadatshiga Qaran oo Ka Furmay Magaalada Muqdisho+Sawirro

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa si rasmi ah u Furey shirka Madasha Wadatashiga qaran ee goordhaweyd ka furmay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.

Shirkan oo maalin ka hor uu iclaamiyay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Demjire Micheal Keating ayaa waxaa loogu hadlayaa caqabadaha hortaagan doorashada Soomaliya iyo tabashada maamulka Puntland .

Shirkaan waxaa  ka qeyb galaya Madaxweyna Soomaliya Mudane  Xasan Sheekh, Guddoomiya Baarlamanka Soomaliya Maxamed Jawaari, Raisul wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke , Raisul wasaare kuxigeenk Maxamed Cumar Carteh Madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Galmudug, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Avv. Cumar Dhagey ayaa kulanka looga dhageystay warbixin ku saabsan doorashooyinka ka dhacay xarumaha maamul goboleedyada, cabashooyin laga keenay meelaha qaar ee doorashada ka dhaceen iyo xaqiijinta qoondada

Dhanaka kale Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay furitaanka shirka ayaa ku bogaadiyay Maamulada Jubbaland iyo Koofur Galbeed, dhameystirka doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose, isagoo maamulada kale ugu baaqay inay dhameystiraan xubnaha laga doonayo.

madasha madasha1 madasha2 madasha4 madasha5 madasha6

Related Post

Wararka