Shiikh Shaakir:-“Galmudug Waa Koonfur Galbeed Koonfur Galbeedna Waa Galmudug”,

Maamulka Galmudug ayaa si kulul u beeniyay wararka ku saabsan in dadka Koonfur Galbeed Soomaaliya kasoo jeeda lagu amray in ay isaga baxaan Deeganadda Galmudug.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed  Shaakir Cali Xasan oo warbaahinta kula hadlay Degmadda Matabaan ayaa sheegay in wararkaas ay faafiyeen dadka u shaqeeyay Al-shaabab, ee neceb hormarka Maamulka Galmudug.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ay yihiin dad walaalo ah,islamarkaana la doonayo in dhexdooda khilaaf laga abuuro.

“Waa hadal dadka beenta jecel ay iska abuuranayaan Galmudug waa koonfur Galbeed Koonfur Galbeedna waa Galmudug Soomaliyana soomaaliyaa leh Meel kastoo ay joogaan ayey ku noolaanayaan ha u dhasheen hana ku dhasheen soomaliya waa mid afka soomaliga ayaa kawada dhexeeya islaanimada ayaa kawada dhexeysa”, ayuu yiri madaxa Xukuumadda Galmudug.

Hadalka Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed  Shaakir Cali Xasan ayaa imaanaya xili baraha bulshadda lagu baahiyay war ku saabsan in galmudug ay amar ku bixisay in deeganadeeda ka baxaan dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed, kadib markii nin isa soo miidaayay dhawaan lagu qabtay Degmadda gurceel.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.