Shiikh Maxamed Shaakir oo Lagu Eedeeyay Dagaalka Xiraale+Dhageyso

Waxgaradka Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaaliya ayaa eedeen culus u jeediyay Madaxda Galmudug ee fadhigooda uu yahay magaaladda Dhuusa-mareeb.

Shiikh Shuuriye Maxamed Salaad oo kamid ah waxgaradka Galgaduud oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in Madaxda fadhisa Dhuusa mareeb ay mas’uul ka yihiin dagaalka ka dhacay Xiraale.

Waxa uu sheegay in Madaxa Xukuumada Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan uu yahay mas’uulka soo abaabulay dagaalka,islamarkaan sidaan oo kale uu weerar ugu soo qaaday Deegaanka Xiraale.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), uu qeyb ka yahay duulaanka deegaanka Xiraale ee Gobolka Galgaduud.

Inta la xaqiijiyay 20-ruux ayaa ku dhimatay, 40-kalana way ku dhaawacmeen dagaalka shalay ka dhacay Deegaanka Xiraale ee Gobolka Galgaduud.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.