Shariif Xasan:-“Al-shabaab ayaa Ka Daran Abaarta Xiligaan Jirta”,+Dhageyso

Madaxweynaha Maamulka  Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa sheegay in Soomaliya ay  dhibaato badan ay ka jirta, islamarkaana dhibaatada ugu badan ay shacabka kala kulmeen dagaalyahanada Xarakada Al-shaabab.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa tilmaamay in burburkii dalka ka dhacay kadib abaaro ay Soomaliya ku dhufteen balse sanadkaan ay  shacabka Soomaliyeed isugu darsameen abaar iyo dhibaatada Xarakada Al-shabaab waa siduu hadalka u dhigee.

“Al-shabaab  anaga runtii dhibaato ayeey noo geysteen, abaar waa dhici jirtay , laakiin dhibaatada ugu weyn waa mida ay iyaga noo geysteen,afartii sano ee lasoo dhaafay maamul goboleedyo ayaa la dhisayey , waxaan rajeynaya afarta so socota in ciidamo la dhiso oo dalka dhibaato ka saara, dib u heshiisiinta waa muhim waana in laga shaqeeyo, Madaxweynaah Soomaaliya waxaan ka codsaneyna dib u heshiisinta laga shaqeeyo madaxweyne , maxa la xaliyey maxaase harsan?

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka  Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa ugu baaqay maamul Goboleedyadda dalka ka jira xiligaan in aysan waqti badan luminin islamarkaana ay ka shaqeeyaan sidii dalka soomaliya hormar loo gaarsiin lahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*