Shaqaale Rayid ahaa Oo Lagu Laayay Duleedka Magaalada Baraawe

Wararka naga soo gaaraaya Magaalada Baraawe ayaa ku waramaya iney halkaasi lagu dilay shaqaale Rayid ah oo ku howlanaa qodista war biyood ay hey’adda Samafal taabi galineysay.

Dadkan ayaa la sheegay iney isbuucyadaan ku howlanayeen qodista warbiyood hey’adda Samafal ay fangareyneysay, balse dadkaasi oo gaarayay ila 100 Ruux ayna la kulmeen weerar ay kusoo qadeen dabley hubeysan oo aan wali heybtooda la garan, weerarkasina uu dhaliyay qasaare dhimasho iyo mid dhaawac intaba.

Gudoomiyha degamada Baraawe ee Gobalka shabeellada hoose xuseen bare maxamed oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shaqaale rayid ah lagu weeraray duleedka baraawe halkaasina lagu dilay 3 ruux halka tiro intaasi ka badan lagu dhaawacay, gudoomiye Xuseen Bare ayaa intaasi ku daray in shaqalaha subax walba ay raaci jireen 30 Askari, balse saakay Ciidamada aysan raacin sidaasina ay ku suura gashay in lasoo weeraro shaqaalihii qorayay warbiyoodka.

Majirto ilaa iminka cid sheegatay Mas’uuliyada weerarkan maanta lagu qaaday Shaqaalaha qodayay warbiyood ay taaba galineysay hey’adda Samafal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*