Shaqaale Ka Tirsanaa Simad oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Muqdisho+Sawirro

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari ku xirnaa oo saakay ka dhacay inta u dhaxeysa Black Sea iyo Xaafadda MBC degmadda hodan ee gobolka banaadir.

Gaariga qaraxa uu ku xirnaa ayaa ahaa Nooca Soomaalida u taaqaana Qooqan,waxaana lahaa Jaamacadda Simad ee Magaaladda Muqdisho.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay meelo kala duwan,waxaana khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira uu kasoo gaaray Shaqaalaha Jaamacadda.

Qaraxaan waxaa ku dhintay Ala ha u Naxariistee Mohamed Jeylaani oo ka tirsanaa shaqaalaha Jaamacadda SIMAD sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Jaamacada.

Waxaa sidoo kale qaraxaan ku dhaawacmay shaqaale kale oo ka Tirsan Jaamacadda Simad waxaana loo qaaday Goobaha caafimaadka Magaaladda muqdisho.

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxaan ka dhacay muqdisho ee waxyeeladda kasoo gaartay shaqaalaha Jaamacadda Simad.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.