Shaqaalaha Dowladda iyo CXDS oo La Shaaciyay Mudada ay Mushaar La’aan Yihiin

Wasiiru dowlaha Wasaarada Arimaha dibada Somaliya Khaalid Cumar Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Shaqaalaha Dowladda  iyo Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed ay heystaan dhibaatooyin badan ay ugu horeyso mushaar la’aan.

Khaalid Cumar Cali  Wasiiru dowlaha Wasaarada Arimaha dibada Xukuumadda  Somaliya ayaa tilmaamay in shaqaalaha dowladda iyo Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed ay mushaar la’aan   yihin muddo 7-bilood ah, cadeymanayo loo hayo arrintaas.

“Muddo haatan laga joogo 7-bilood Ciidanka dowladda iyo Shaqaalaha Dowladda ma aysan qaadanin wax  mushaar ah,  dhibaatooyin badan ayaa haysta xiligaan, iyadoo musharkooda uu kasoo daahayay ayaa hadana loogu daray in aan wax mushaar ah  la siinin”, ayuu yiri Mudane Khaalid Cumar Cali.

Xiliyadda kala guurka dowladda ayaa waxaa soo wajaha shaqaalaha dowladda iyo ciidanka xogga dalka Soomaliyeed mushaar la’aan aad u weyn, Ciidamada qaar ayaa lagu arkayaa wadooyinka Muqdisho iyadoo daruufi ay ka muuqato.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*