Dalxa:-“Shacabka Yaysan Ku Mashquulin Hadaladda Farmaajo iyo Kheyre”,+Dhageyso

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa fariin u direy shacabka Soomaaliyeed.

Dalxa oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in shacabka looga baahan yahay in ay u istaagaan dib u dhiska dalka, halkii ay ku mashquuli lahaayeen hadaladda madaxda Dowladda oo waqti kooban xukunka haynaysa.

Waxa uu sheegay hadii ay dadka iyaga Is Nabadd galiyaan, uu ilaahey Nabadd galinaayo,islamarkaana sidoo kale loo baahan yahay in ay isku naxariistaan.

Hadalka Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya xili mudooyinkii dambe shacabka ay bilaabeen in ay si weyn  kaga hadlaan hab dhaqanka madaxda dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.