Shacabka Balcad oo Baadigoobaya Wiil u Dhintay Helida Mobile Smartphone ah.

Wararka ka imaanaya Degmadda Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in Wabiga Shabeelle laga baadi-goobayo Nolol iyo Geeri Wiil dhalinyaro ah ay sharad wada dhigteen dhalinyaro kale.

Wiilka la la’ yahay ayaa lagu magacaabaa Maxamed Amiin Cali Xaaji da’adiisuna ay ahayd 18 sano jir waxa ay wada dhigteen wiil kale sharad ah inuu dabaal ugaga gudbo wabiga kadibna la siinayo Mobile Smartphone ah.

Maxamed ayaa la sheegay in uu awoodi waayay in uu dabaal ugu gudbo wabiga sababo la xiriira biyaha wabiga oo badnaa.

Shacabka Degmadda Balcad iyo Laamaha amaanka ayaa wali wada dadaal ku aadan in nolol iyo Geeri lagu helo Maxamed amiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*