Shabaab Qaraxyo Ka Geystay Magaaladda Muqdisho oo Gacanta Lagu Dhigay

Howlgal qorsheysan oo Ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen magaaladda Muqdisho 18-ka Bishaan ayaa waxay kusoo qabteen  labo ka tirsan Alshabaab.

Mid kamid ah Labada Labadda lasoo qabtay ayaa shabaab u qaabilsanaa dilalka Qorsheysan, waxaana uu ka qeyb qaatay, islamarkaana uu fududeeyey Seddex Qarax oo ka dhacay magaaladda Muqdisho,kuwaasi oo lagu waxyeeleeyey dad Shacab ah oo aan waxba galabsan.

Kan Labaad oo laga soo qabtay meel u dhow garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho ayaa isna sidoo kale Abaabulayey waxyaabo halis ku ah Nolosha Shacabka Soomaaliyeed iyo Nabad gelyada guud  ee dalka.

Ma jirto  waxyeelo ka dhalatay Howlgalka lagu qabtay Raggaan ka tirsan Alshabaab, waxaana Ciidamada ammaanka ay kordhiyeen baacsiga lagu hayo Shabaab si looga hor-taggo dhibaatada ay u geeystaan Shacabka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.