Ciidamo katirsan kuwa Komaandooska Xooga Dalka Jarmalka

Shabaab oo War Kasoo Saaray Dagaal ay Lagaleyn Ciidamadda Mareykan-ka iyo Danab

Xarakadda Al-shabaab ayaa war kasoo saartay weerar qorshaynaa oo Ciidamaddda Danab iyo Kuwa Mareykan ah ay xalay ku qadeen Deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-Shabaab waxa ay sheegeen in Ciidamadda Danab iyo kuwa Mareykan oo wata diyaarado dagaal ay soo gaareen hareeraha deegaanka saqdii dhexe ee xalay, balse inta aysan gudaha  usoo galin ay weerar xoog badan ay kala kulmeen Ciidamo la diyaariyay.

Waxa ay sheegeen Al-shabaab in dagaalka uu dhaliyay khasaare soo gaaray Ciidamadii Danab iyo kuwa Mareykanka ee weerarka soo qaaday.

Warbaahinta Shabaab ayaa laga baahiyay in weerarka lagu dilay 2-askari oo ka tirsanaa Ciidamadii weerarka soo qaaday,balse lama xaqiijinin in ay Soomaaliya yihiin mise Mareykan.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Dhanka kale Laamaha amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalkii ka dhacay xalay saqdii dhexe deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose in lagu dilay Xubno ka Tirsanaa Al-shabaab, oo doonayay in ay weeraro kusoo qaadaan magaaladda muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*