Shabaab oo Muqdisho Ku Dilay 2-kamid ahaa Ergooyinkii Doorashadda+magacyo

Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilal loo geystay 2-kamid ahaa Ergooyinkii Doorashadda Xildhibaanadda Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in ragga shabaab dilal u qaabilsan ay dileen Xuseen Maadeey, iyo nin mgacaabiisa lagu koobay ibraahim oo ergooyinka kamid ahaa.

Xuseen Maadeey oo kamid ahaa a Ergadii xildhibaanada baarlamaanka dowladda kasoo xulay dhanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaana dilay Xaafadda Suuq liif oo ka Tirsan Degmadda Dharkinley ee Gobolka banaadir.

Dhanka kale Ibrahim oo kamid ahaa Ergadii xildhibaannada Baarlamaanka kasoo xushay dhanka maamulka Hirshabeelle, ayaa isna lagu dilay Xaafadda Fagax oo ka Tirsan Degmadda Yaaqshid ee Gobolka banaadir.

Ma jirto cid loosoo qabtay dilalka loo geystay labadda kamid ahaa Ergooyinkii Doorashadda Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.