Sawirro;- Shirkadda DP WORLD Oo Maanta Wareegtay Dekeda Boosaaso

Shirkadda DP WORLD, ayaa maanta la wareegaysa maamulka Dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Munaasabada ay shirkaddu kula wareegayso Dekeda, ayaa ka socota gudaha Dekeda, waxaana ka qayb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan Maamul Gobaleedka Puntland, Madax ka socota shirkadda iyo marti sharaf kale.

Shirkadda DP WORLD, ayaa dhaqaale dhan 336 Milyan oo Doolar ku Maalgalinaysa Dhismaha Dekeda Boosaaso, waxaana dhismuhu uu u kala baxayaa laba waji.

Waxaa Dekeda Boosaaso ay noqonaysaa Dekeda sagaalaad ee Qaaradda Afrika oo shirkaddu ay maamusho, waxaana ay dhowaan la wareegtay Dekeda magaalada Berbera ee Maamulka iskii isugu magacaa-bay Jamhuuriyada Soomaaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*