Sawirro: Madaxweyanaha Soomaaliya Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo safar ku tagay Dalalka jabuuti iyo Turkiga ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka jabuuti kaga soo qeyb galay shir looga hadlayay hirgelinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, xoojinta maalgashiga, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta hiigsiga horumarineed ee 2030-ka ee ajendaha caalamiga ah, waxaana sidoo kale uu ka qeyb galay furitaanka Aaga Caalamiga ah ee Ganacsiga Xorta ah ee Jabuuti iyada oo ay munaasabaddaasi goobjoog ka ahaayeen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Rwanda, Madaxweynaha Suudaan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Guddoomiyaha Midowga.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Jabuuti kaga sii gudbay Dalka Turkiga halkaas uu kaga soo qeyb galay Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*