Askari Ka Tirsanaa Dowladda oo Goordhaweyd Lagu Dilay Suuqa Bakaaraha+Sawirro

Rag ku hubeysan Biskoolada waxey qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku toogteen askari ka tirsnaa dowlada Somaaliya.

Ragga hubeysan ayaa askariga ka toogtay qeybaha sare ee jirkiisa gaar ahaan Madaxa taasi oo sababtay in isla goobta uu ku geeriyoodo, dableydii dilkan ka danbeysay ayaana halkaasi kasii qaatay qoray uu watay askarigan oo ku sugnaa agagaarka Sarif yaraha ee Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

wariyaal katirsan Shaqaalaha idaacada simba ee Magaalada Muqdisho oo tagay goobta ay toogashada ka dhacday ayaa inooga war bixiyay qaabka ay wax u dhaceen, waxeyne inoo sheegeen in askariga ay rasaas kaga tiilay qeybta sare ee Madaxiisa taaasi oo sababtay in uu goobta ku geeriyoodo, waxeyna intaasi raciyeen in qoray uu watay askari ay hore u qateen dableydii ka danbeysay dilka Askarigan.

Wali majirto cid sheegatay Mas’uuliyada dilkaan loo geystay askarigan katirsanaa Ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa ka howlgala Suuqa bakaaraha.

Xiriiro idaacada Simba ay la sameysay Sarakiisha Ciidamada ee Suuqa bakaaraha ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan dilkaan loo geystay Askarigan ka tirsanaa Ciidamada Dowlada.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*