Sawiro:Saraakiisha qaybta 21aad ee CXD Oo kulan ku yeeshay Dhuusamareeb

Kulan uu Taliyaha qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga, Cabdicasiis Cabdulaahi cabdi “Qooje”  uu maanta  la qaatay saraakiisha ka tirsan qaybta ayaa looga hadlay wadashaqeynta taliska, iyo dardar gelinta qorshaha Al-shabaab looga saarayo  deegannada Galmudug.

Saraakiisha qeybta 21-aad ee kulanka ka qayb galay oo taliyaha cusub ee qaybta ugu hambalyeeyey xilka, ayaa ballan qaaday in ay kala shaqeyn doonaan ka guul gaaridda dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Saraakiisha ayaa u mahadceliayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo dhammaan cid kasta oo gacan ka geysatay isku dhafka ciidanka.

Taliyaha Guutada 15-aad, Mascuud Maxamed Warsame iyo taliyaha qaybta 21-aad ee saldhiggedu yahay magaalada Dhuusamareeb, Cabdicasiis Cabdulaahi cabdi “Qooje”  oo ka war bixiyay waxyaabihii  kulanka looga hadlay ayaa si wadajir ah u ballan qaaday in talisku uu ka shaqeynayo sidii bulshada ku nool Galmudug guud ahaan ay uga dul qaadi lahaayeen Al-shabaab.    

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.