Sawir Loo Malaynayo Gaarigii Isku Qarxiyay Isgoyska Zoobe oo La Halay

Saacadda waxa ay aheyd 03:20-PM galabnimo 14-October 2017 waxaa Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya gilgilay qarax aad u xoogan badan oo aysan shacabka Soomaliyeed maqlin ebed.

Qaraxa ayaa ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho oo kamid ah goobaha ugu mashquulka badan ee Magaaladda.

Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay In ka badan 400-ruux oo ay ku jireen Ardey, Ganacsato,dad shacab ah oo saarnaa gawaari xiligaas ku xayirnaa wadada Isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.

Waxaa hataan la helay Sawir muujinayo Muuqaalka Isgoyska Soobe sida uu ahaa daqiiqado yar ka hor inta uusan qaraxa dhicin.

Sawirkaan ayaa muujinayo Gawaari badan oo ku sugnaa Isgoyska Soobe, waxaana sawirka laga dhex arkayaa gaariga is qarxiyey oo dhex taagan bartamaha Isgoyska Soobe oo Xilligaas aheyd meel aad u mashquulsan.

Sidoo kale Sawirkaan ayaa waxaa laga helay Kaamirada Qarsoon ee ku xirneyd Isgoyska Soobe, taasoo systemkeeda uu yaalo Xarunta Nabadsugidda QarankaSoomaaliyeed.

Dowladda Soomaliya oo Guddi u xilsaartay Musaasabadii Zoobe ayaa hadalkooda kusoo koobtay in qaraxa ay ku dhinteen 450-qof 250-kalana ay ku dhaawacmeen, iyadoo aysan dusha ka saarin Al-shabaab.

Dhanka kale dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab oo inta badan loogu bartay sheegashada qaraxyadda ka dhaca Magaaladda muqdisho aan  ka hadlin qaraxii 14-kii bishii hore ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*