Sarkaalkii Ka Dambeeyay Qaraxii Isgoyska Zoobe oo La Duqeeyay!

Wararka ka imaanaya degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa ku waramaya in diyaarado dagaal ay duqeeyeen Saldhig Xarakadda Al-shabaab ay ku leeyihiin degmadaas.

Sida ay inoo xqiijiyeen dadka deegaanka diyaarado jawi hoose ku socday ayaa dhowr gantaal la beegsaday fiidnimadii xalay saldhiga Xarakadda Al-shabaab ee degmada Jilib.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in duqeynta lala beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan amniyaadka Al Shabaab, kaasi oo ka qeyb qaatay dhowr weeraro oo ka dhacay Muqdisho, iyo Goboladda dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in sarkaalka uu ku lug lahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhacay Muqdisho, 14 October ee sanadkii hore, kaasi oo ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Ma jirto dowladd ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan Duqeynta, sidoo kale lama shaacanin magaca Sarkaalka lala beegsaday duqeynta ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*