Sarkaal Ka Tirsan Daacish-ta Soomaaliya oo Lagu Qabtay Magaaladda Muqdisho

Ciidamadda Hay’adda NISA ayaa gacanta ku dhigay Sarkaal ka tirsan Daacish, kadib howlgal ay ka sameeyeen  Xaafad kamid ah Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Hay’ada Nabadsugida ayaa lagu sheegay warkaan.

“Ciidamada Amniga ayaa fiidnimadii xalay oo ku beegan 13-ka Novembar 2018, Magaalada Muqdisho ka soo qabtay shakhsi ururka ISIS ee Soomaaliya iyo Xagjirka wadamada kale ka jira u kala gudbin jiray dhaqaalaha. Qabashada shakhsigan ayaa dhantaalaysa marinada dhaqaale ee ISIS” Ayaa lagu yiri Qoraalka NISA.

Mudooyinkii dambe Ciidamadda NISA ayaa waday howlgal lagu qab-qabanayay dagaalyahanadda ka tirsan Xarakadda Al-shabaab iyo Daacish.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*