Saraakiisha Sarsare ee Gudiga Doorashada Kenya oo Baaritaan Lagu Samaynayo

Dacwad soo oogaha guud ee dalka Kenya ayaa amray in baaritaan lagu sameeyo suurtagalnimada in xubnaha guddiga doorashada ay galeen danbiyo markii ay qabanayeen doorashadii bishii aanu soo dhaafnay.

Keriako Tobiko ayaa ka codsaday booliiska iyo hay’ada la dagaalanka musuqmaasuqa in warbixinta baaritaankooda ay ku soo gudbiyaan muddo 21 maalmood gudahood ah.

Dacwad soo oogaha guud ee dalka Kenya ayaa sidoo kale ka codsaday laamahani in ay baaraan laba sargaal oo ka tirsan mucaaradka oo lagu eedeeyay in si sharci daro ah ay galaangal ugu yeesheen kaydka kombiyuutarad guddiga doorashada.

Maxkamada ugu sareysa dalka Kenya ayaa sheegtay in khaladaad iyo waxyaabo sharci daro ah ay ku jireen doorashadii dhacday,balse maxkamadda ma aysan eedeeyn shaqsiyaad gaar ah.

Hogaamiyayaasha mucaaradka Kenya ee NASA ayaa dalbanayay in dacwad lagu soo oogo saraakiisha guddiga doorashada.

Madaxda mucaaradka ayaa waxa ay sidoo kale dalbanayaan in gabi ahaanba la kala diro guddiga doorashada ee hadda jira.

Doorashada ku celiska ah ee dalka Kenya ayaa lagu wadaa in la qabto 26 bisha October ee soo socota.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*