Saahid Sayn oo Loo Doortay Duqa Cusub ee Magaladda Gaalkacyo Puntland

Waxaa Galabta Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug lagu doortay Gudoomiyaha Golaha deegaanka degmada Gaalkacayo.

Doorashadaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka mid ah golaha Wasiirada Maamulka Puntland.

Doorashadda waxaa ku tartmayay Labaad musharax ee kala ah Saahid Maxamuud Sayn iyo Cabdiqani Diiriye Dhagawyane.

31-da xubnood ee golaha deegaanka Gaalkacayo u doortay in Saahid Maxamuud Sayn uu noqdo gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Gaalkacayo isaga oo codad dhan 23 kaga guuleyastay Cabdiqani Diiriye Dhagawyane oo la tartamayay oo isaguna helay 7 cod, waxaa sidoo kale xumaaday 1 ka mida codadkii la dhiibtay.

Dhanka kale waxaa Gudoomiye Ku-xigeenka Magaalada Gaalkacyo  ku tartamay Saddex musharax oo kala ah Cabdullaahi Maxamed Jakato, Shaafici Cabdullaahi Xaashi iyo Maxamed Cabdinaasir Cigaal.

Doorashadda oo seddex wareeg gaartay ayaa waxa ku guuleystay Maxamed Cabdinaasir Cigaal oo helay 16 Cod halka Cabdullaahi Maxamed Jakato uu helay 15 Cod.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.