Ra,isal Wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

Raisulwaaare Kheyre oo Sheegay Inuusan Jirin Ciidan uu Mushaar Ka Maqan Yahay,

Raisulwasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay cabashadda kasoo yeertay Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee ku aadan in aysan afar bilood qaadanin wax mushaar ah.

Kheyre oo kulan la qaatay Saraakiisha kala duwan ee Dowladda soomaaliya iyo maamulka gobolka banaadir ayaa sheegay inuusan jirin Ciidan uu Mushaar ka maqan yahay, kuwa aan la diiwaangelin mooyee.

Sidoo kale waxa uu amray Taliyayaasha Ciidmadda booliska iyo xoogga dalka soomaaliyeed in ay taagan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamadda islamarkaana ay soo diiwaan galiyaan Ciidamadda Mushaar la’aanta ka cabanaya kadibna uu isaga bixin doono.

Hadalka Raisulwasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa imaanaya xili todobaadkaan ciidamo ka tirsan Ururka 21-aad ay isaga soo baxeyn saldhigii ay ku lahaayeen deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeelaha Hoose,waxaana la wareegay Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.