Ra’iisul wasaare Khayre oo Gaaray Magaalada Dooxa ee Dalka qatar

Wafdi uu hogaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre  ayaa gaaray magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar.

Xasan Cali Khayre iyo wafdigiisa ayaa mas’uuliyiinta dowladda Qatar la yeelanaya kulamo looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kasoo laabtay safar shaqo oo uu kusoo maray Faransiiska iyo Belgium, halkaas oo ka qayb galka madasha nabadda Paris kadib uu kulamo kala duwan kula soo qaatay qaar kamid ah madaxda Midawga Yurub iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday dowladaha Caalamka.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.