QM oo War Kasoo Saartay Weerar Al-shabaab ay Ku Qaadeen Dhismo ku yaalla Nairobi

Saddex qofood oo u dhashay dalka Kenya iyo sidoo kale labo kamid ah oo dhalasha ahaan kasoo jeeda dalka Somalia kuwaasi  oo kamid ahaa dadka qaxootiga ku ahaa xerada dhadhaab oo dhacda waqooyi bari gaarisa oo katirsan dalka Kenya ayaa lalaxariiriyay in ay kadambeeyeen weerarkii ay ay masuuliyadiisa sheegteen alshabaab ee lagu qaaday hotel Dusit2 oo kuyaalla magaalada Nairobi ee caasimada dalka bishii janaury ee sanadkan 2019.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen khubaro ka tirsan golaha amaanka ee qaramada midoobay,waxa ay sheegeen golaha amaanka ee qaramada midoobay nin lagu magacaabo LII Saalim oo kudhashay halka loo yaqaanno Isiolo sanaddii 1995tii inuu ahaa qofkii lahaa abaabulka iyo iskuxirka weerarkii lagu qaaday hotel Dutsi2 15 bishii janaury ee sanadkan weerarkaasi oo sababay dhimashada 26 qofood iyo dhaawaca tiro intaa kabadan sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya kaa oo soo xiganaya warbixinta kasoo baxday khubarada golaha amaanka ee qaramada midoobay.

Sida uu uqoray wargeyska daily nation ee kasoo baxa dalka Kenya  isaga oo soo xiganaya warbixinta kasoo baxday khuburada katirsan golaha amaanka ee qarmada midoobay waxaa lagu yiri

“Afar kamid ah muwaadiniin udhalatay dalka  kenya kuwaa oo fadhigooda yahay gobalka mandheera ayaa ahaa shaqaalo ushaqeenayay alshabaab kuwaa oo ahaa isha ugu muhiimsan ee lacagaha ukalagudbiya alshabaabka Somalia iyo kuwa Kenya si ay weeraro uga fuliyaan wadanka Kenya”  ayaa lagu yiri warbixin ay soo saareen khubaro kamid ah golaha amaanka ee qaramada midoobay 12kii bishan aynu bartanka kaga jirno.

Sikastaba ha ahaatee dowladda dalka Kenya ayaa la daalaadhaceysa weeraro kaga imaanaya alshabaab kuwaa oo dagaal kalasoo horjeeda dowlada dalka Kenya ciidamadeeda oo kusugan gudaha dalka Somalia tan iyo markii ay kasoo tallaabeen xadka wadanka Somalia sanaddii 2011.

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.