QM oo Sheegtay Inay Kor u Qaadayso Kaalmada Bini aadnimo ay Siinayo Dadka Soomaaliyeed 

Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala Soomaaliya ayaa sheegay In ay bilaabi doonaaan qorsho cusub oo looga jawaabayo xaaladaha ka taagan dalka soomaaliya oo arimaha bini’aadnimada ay kamid yihiin.

Hadal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha biniaadanimada ee (OCHA) ayaa waxaa lagu  sheegay in ay ka warbixin doonaan deeq bixiyayaasha gargaarkii ay gaarsiiyeen dadka Soomaaliyeed ee abaarahu ay ku dhufteen iyo howlo lagu dardargelinayo deeqaha sanadkan 2018-ka.

Warka ka soo baxay xafiiska bini’aadanimada ee OCHA ayaa lagu sheegay in wali xaalado bini’aadnimo oo dabadheeraaday in ay ka jiraan gudaha Soomaaliya waxaana ay xuseen in kaalmada sanadkan 2018 ay kor u qaadi doonaan.

Qaramada midoobe hay’adaheeda u qaabilsan gargaarka bini’aadanimada ee dalka ka howlgala  ayaa sheegay In sanadkan uu ka wanaagsan doono sanadii 2017.

Dad lagu qiyaasay tiradooda 6.2 million oo qof ayaa u baahan gargaar deg deg ah kuwaa oo ku dhawaad 5 sano xaalado abaar ah ku guda jiray.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*