QM Oo Sheegtay In Loo Baahan Yahay Gargaar Hor Leh Oo Lalasoo Gaaro Soomaaliya

Ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qarmada Midoobay Arrimaha Soomaaliya Raisedon Zenenga oo warbixin dheer ka jeediyay shirka Golaha ammaanka ayaa ka hadlay Abaaraha ka jira Soomaaliya, wuxuuna sheegay muhiim in ay tahay in wax laga qabto.

“Abaaraha ka jira Soomaliya macluul ayay isku bedeleen waa muhiim in si deg deg ah wax looga qabto, 800 Million oo Dollar ayaa loo baahan yahay oo lagu bad baadinayo dadka dhibaateysan, QM waxay ku dadaaleysaa sidii ay wax uga qaban laheyd Abaaraha” Ayuu yiri Raisedon.

Mr. Zenenga ayaa sheegay in kumanaan qof ay qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan Abaaraha ka jira Soomaaliya, wuxuuna xusay in dhaqaalihii caalamku ay ugu tala galeen in ay ku caawiyaan dadka ku nool Soomaaliya aysan wali bixin cadadkii loo baahnaa.

Waxa uu sheegay markii horeba Soomaaliya in ay ku jirtay xaalad Dagaal, hadana ay ugu darsantay Abaar daran, taasi oo saameysay dadka iyo duunyada.

Waxuuna wadamada deeqda bixiya ugu baaqay in ay lasoo gaaran gargaar bini’aadanimo, intay goor goor tahay oo wax laga qabto abaarta daba dheeraatay ee soomaaliya ka jirta

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*