QM oo Bilowday Bixinta Lacago Mag-dhow iyo Qeyb ah Kamid ah Musharaadka Ciidanka Kenya

Qaramadda Midoobay ayaa dib u billowday bixinta mushaaraadka Ciidanka Kenya ee qaybta ka ah Howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM waxaana Bishii March ee sanadkaan ay Ciidanka Kenya heleen 3.75 million oo shillinka Kenya ah.

Lacagtaan waxaa la bixin doonaa Seddexdii biloodba mar, waxaana ciidanku ay heleen lacagihii ka maqnaa muddo Todobo bilood ah.

Dowladda Kenya ayaa muujisay walaaceeda ku aadan dhaqaale xumadda heysta ciidankeeda jooga Soomaaaliya ee ka tirsan Holgalka AMISOM,waxa ayna Kenya si is daba joog ah cabashadeedda ugu gudbisay Qaramadda Midoobay.

Ciidamada Kenya ee ku sugan Somalia ayaa tiro ahaan gaarayo 4,660 askari, waxa ayna dalka soo galeen bishii October sanadkii 2011 kadib markii ay kordheen afduubka iyo weerarada Al Shabab ka fuliyeen gudaha dalka Kenya.

Sanad kadib soo galistooda Somalia waxaa loo ogolaaday kamid noqoshada AMISOM, waxaana budget siiyey Qaramada Midobay.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia waxaa ku baxo lacago badan, waxaana bil walba halkii askari ee AMISOM ah ku baxa lacago $1028.

Ciidamada Amisom ee hadda ku sugan Somalia ayaa ka kala socdo dalalka Uganda, Brundi, Djabouti, Kenya iyo Sierra Leone.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.