Qarax Qasaaro Geestay Oo Ka Dhacay Magaalada Beydhabo

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay ayaa ku Soo Waramay in Weerar loo adeegsaday Bambooyinka nuuca gacanta laga Tuuro in lagu qaaday Barkantarool oo ciidamada Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin Xaafada Buulo-usleey oo ka tirsan Dagmada Baydhabo

Warar kala Duwan ayaa ka soo baxaya Qaasaraha ka Dhashay Weerararkaasi waxayna wararka qaar Sheegayaan in qasaaro Dhimasho  iyo mid dhaawac ba uu soo gaaray askartii ku sugayneyd Jagboontiga inkastoo aan la xaqiijin Tirada Rasmiga ah ee Waxyeelada Qaraxyadaasi

Saaraakiil ka Tirsan Ciidamada Maamulka Koonfur galbeed ayaa Simba u Xaqiijiyey inay uu jiro weerarkaasi balse waxa ay ka cudu daarteen in ay ka  hadlaan Qasaaraha weerarkaasi uu sababy inta uu la egyahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*