Qarax lagu Weeraray Ciidamo katirsan Dowlada Oo ku sugnaa Maqaaxi Ku taal Wallanweyn

Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday Bam gacmeed oo lagu weerayay Ciidamo katirsan kuwa dowlada Somaaliya oo ku sugnaa degmada Wallanweyn ee gobalka Shabeellada Hoose.

Wararka aynu ka heleyno degmada Wallanweyn ayaa sheegayaa in xalay Bam gacmeed lagu Weeraray goob Maqaaxi ah oo ay ku caweynayeen Ciidamo katirsan kuwa dowlada Somaaliya, balse ila degaanka oo Simba la hadlay ayaa sheegay ineysan jirin qasaare soo gaaray Ciidamada Dowlada ee la kulmay weerarka Bam gacmeedka ahaa.

Ciidamada Booliiska degmada Wallanweyn ayaa bilaabay Baaritaano la xiriira dadka lagu tuhunsan yahay in ay ku lug leeyhihiin Bamka lagu weeraray Xalay Ciidamada.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay iney Qaraxaasi ka danbeeyeen kuna dhaawaceen sadax Askari oo ay ku sheegeen Shabaabka iney ku qayilayeen Goob maqaaxi ah oo ku taalay degmada Wallanweyn ee gobalka Shabeellada Hoose.

majirto Cid xaqiiijin karta Sheegashada Shabaab ee ku adan iney qaraxaasi ku dhaawaceen Sadax katirsan Ciidamada Dowlada ee ku sugnaa degmada Wallanweyn.

Al-shabaab ayaa inta badan Qaraxyo iyo weerara ku qaada Xarumaha iyo Goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowlada iyo Kuwa AMISOM.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*