Qarax Ismiidaamin Ah Oo Goor Dhaw ka Dhacay Muqdisho

Waxaa aroornimadi hore saakay qarax xoogan uu ka dhacay magaalada muqdisho iyadoona faafaahino ay ka soobaxayaan qarax.

Qofka la sheegay in uu isku soo xiray waxyaabaha qaraxa ayaa isku qarxiyay Barxada Dugsiga tababarka ciidanka booliska soomaaliyeed ee jeneral Kaahiye.

Qofka waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa bartilmaameedsaday goob ay wada fadhiyeen ciidamo katirsan kuwa booliska soomaaliya.

Dadgoobjoogayaal ayaa u xaqiijiyay idaacadda samba in qaraxa uu qasaaro ka soogaaray ciidamada booliska, inta la xaqiijiyay 8 Askari ayaa ku geeriyootay qaraxa iyadoona ay ku dhaawacmeen 11 kale.

Weli faafaahin qaraxa ma aysan kabixin dowlada soomaaliya balse waxaa hada soconayo baaritaan ay sameynayaan ciidamada booliska soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*