Qaramadda Midoobay oo Ku Baaqday in La Joojiyo Dagaalka Ka Socda Tukaraq

Qaramadda midoobay ayaa ku baaqday  in la joojiyo dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool,kaasi oo u dhaxeeya Maamuladda Somali-land iyo Puntland.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Michael Keating oo qoraal kasoo saaray xafiiskiisa ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay dagaalka dhiiga ku daadanayo ee ka socda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Waxa uu sheegay in colaad aysan waxba tareyn balse loo baahan yahay in xasarada loo bedelo wada hadal labada dhinac  ee Maamuladda Somali-land iyoPuntland ay yeeshaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa ku waramaya In halkaas laga maqlayo rasaas ay isweedaarsanayaan labada dhinac.

Maamulada Somali-land iyo Puntland ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*