Qaramada Midoobay Oo Soo Dhaweysay Ansixinti Ra’isul wasaare Kheyre

Qaramada midoobay ayaa si weyn u soo dhaweysay Ansixinti shaley ay ansixiyeen Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya Ra’isul wasaaraha cusub Soomaaliya Xasan Cali Khayre Ra’iisul .

Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa sheegay in arin guul ay tahay in la ansixiyo Ra’isul wasaare uu soo xushay Madaxweyne Farmaajo.

Michael Keating ayaa sheegay in ra’isul wasaaraha cusub laga doonayo in isbadel dhab ah uu geliyo dalka islamarkaana uu soo dhiso xukumad tayo leh dadka heshiis ku yahay.

Michael Keating ayaa waxa uu sheegay in soomaaliya haatan ay cagta saartay wadadi guusha taasina ay muujineyso in dadka ay isawada raaceen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*