Puntland oo Sheegtay Mamnuuc Inay Tahay in Laga Tahriibo Deeganadeeda

Maamulka Puntland ayaa sheegay in deeganadiisa uu ka Mamnuucay Tahriibka,islamarkaana cidii lagu helo falalka Tahriibka sharciga la horgeyn doono.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jeneraal Muxudiin Axmed Muuse oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Boosaaso ayaa sheegay in digniin ay u dirayaan dadka wax Tahriibiya iyo dadka Tahriiba intaba.

“Dhamaan Ciidamada Qaybaha Booliska waxaan farayaa tahriibka inuu xaaraan yahay, muddo ayaa la xalaaleystay dib ayaan u soo celinay, qofkii qaada, qofkii rara, kan doon ku qaada intaba waa isku mid sharciga ayaana lala tiigsanayaa, Koontaroolkii uu soo dhaafo gaari dad tahriib ah, waxaan amar ku bixinayaa dhamaan dadka jooga in la soo xiro.” Ayuu yiri Taliyaha Booliska Puntland.

Puntland ayaa kamid ah deeaganadda inta badan laga Tahriibo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*