Puntland oo Sheegtay in Duqeyn lagu Dilay ku xigeenkii hoggaamiyaha Daacish

Wararka ka imaanayaa tuulada Xariiro oo hoostagta degmada isku-shuban ee gobolka Bari ayaa sheegay in duhurnimadii maanta halkaasi ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed.

Duqeynta ayaa lala beegsaday gaari nooca raaxada ah oo aan ilaa iyo hadda la aqoonsan shakhsiyaadka saarnaa balse dadka deegaankaasi ku sheegeen laba ruux.

Qof ku sugan nawaaxiga tuulada Xariiro oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in mudda duqeyntu ku socotay gaariga ilaa uu ka shiilmay oo gebi ahaanba bas-beelay, isagoo xusay in laba qof saarnaayeen gaariga, laakiin jirkood gubtay oo aan la kala garan.

Dhanka kale Wasiirka Amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in ku xigeenkii hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya lagu dilay duqeyn maanta ka dhacday nawaaxiga tuulada Xariiro ee gobolka Bari.

Wasiirka ayaa sheegay in hoggaamiyaha la dilay uu la dhintay qof kale oo aan weli la aqoonsan kadib markii la duqeeyay gaari nooca raaxada ah oo ay wateen.

Hoggaamiyaha la dilay magaciisa ayaa wasiirku ku sheegay, Cabdixakiin Dhoqobeed, balse faahfaahin kale kama bixin.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.