Puntland oo Qabatay Xubno Doonayay in ay Ku Biiraan Daacish+Sawirro

Ciidamadda PSF Puntland ayaa gacanta ku dhigay xubno doonayay in ay ku biiraan Daacish-ta Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay PSF Puntland ayaa lagu sheegay kadib howlgal laga sameeyay togga Gaaca, Guban iyo Moqor ee koonfur bari ka xiga Magaalada Boosaaso lagu qabtay xubnaha doonayay In ay ku biiraan Daacish.

“Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay hawlgal ka sameeyeen Buuraleyda iyo Toggaga Gaaca,Guban iyo Moqor ee Koonfurta Bari ee magaalada Bosaso,Intii Hawlgalkani socday waxay ciidanka PSF soo qabteen xubno doonayey in ay ku biiraan Daacish-ta ka dagaalanta Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari iyo Saad la doonayey in loo gudbiyo kooxdaas,Ciidanka Amniga Puntland waxay shacabka reer Puntland ugu baaqayaan in ay ciidanka Amniga la wadaagaan wixii xog iyo macluumaad cadow ah,si Puntland looga sifeeyo Daacish iyo Al Shabaab”, ayaa lagu yiro qoraalka Taliska PSF Puntland.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*