Akhriso:-Puntland oo Dalbatay Inay Ka Qeybgasho Wadahadalada DFS  iyo Somaliland

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo xirey Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Cusub ee Puntland oo sadexdii maalmood ee ugu dambeysey ka socdey xarunta Wasaardda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah ee Magaalada Garoowe.

Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Cusub ee Puntland waxaa ku wehelinayey Madaxweynaha Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo dhammaan Golaha Xukuumadda.

Gaba-gabadii shirka ayaa laga soo saaray 11 qodob oo uu ka mid yahay in Maamulka Puntland uu ku lug yeesho wadahadalada la filay in ay yeeshaan dowlada federalka iyo Maamulka Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.