Ogow Cida Ka Taageereysa Dowladda Soomaaliya Dhismaha Ciidan Qaran (Akhriso)

Somaaliya iyo qaramada midoobey iyo beesha caalamka ayaa sooban dhigay qaabka wadajirka ah ee Booliska si loo xoojiyo nabada iyo amniga guud ahaan Soomaaliya.

Barnaamijkan wadajirka ah ee Booliska Qaramada midoobey ee Marka magaciisa lasoo gaabiyo looyaqaan (JPP) ayaa sheegay in ay taageer san yihiin qaab dhismeedka Booliska Soomaaliya Iyo dhanka Horumarka mustaqbalka ee adeegyada Booliska sidaasi waxaa sheegay ergeyga Qaramada Midoobey uqaabilsan Soomaaliya ee (UNSOM).

Dhanka kale Maxamed Abukar Ducale oo ah wasiirka amniga dudaha dowlada federaalka ah ee Soomaaliya oo isna shirkaasi ka hadlaya ayaa sheegay in qaab dhismeedka uu muujinayo habka ugu wanagsan ee lagu heli karo Boolis wanagsan si loo abuuro nidaam waxtar leh oo kashaqeya.

Dhinaca kale war murtiyeedkan ka soo baxay kulanka ay wada qaateen wufuud kasocotay Qaramada Midoobey iyo beesha caalamka iyo sidoo kale wafdi caalami uu hogaaminyay wasiirka amniga gudaha soomaaliya Mr maxamed Abukar Islow Ducale ayaa waxa ay sheegeyn in qaabkan cusub ayaa kormeraya Soo iibsiga qalabka, qorista iyo tababarka shaqada, bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo horumarinta qaab dhismeedka sharciga iyo isla xisaabtanka, iyo sidoo kale mushaariicda dhismayaasha ee hay’adaha Booliska iyo kuwa dowladeed ayaa lagu yiri warkan kasoo baxay shirkan ay wada yeesheen masuuliyiintaasi kakala socotay Qm beesha caalamka iyo dowlada Soomaaliya.

Ugu dambeyn horaantii sanadii 2016kii qaramada midoobey ayaa uqoon deensay dowlada lacago lagu taageerayay ciidamada Booliska si loo hormariyo amaanka guud ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*