Ogow Cida Hubeyneysa Oo aan Dowladda Aheyn Maleeshiyaadka Macawiisleeyda (Sawirro)

C/qaadir Aadan Jeelle Wasiirka Amniga HirShabeelle iyo ku Xigeenkiisa ayaa booqday goobo ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Macawiisleeyda Hiiraaan.

Horjoogayaasha Macawiisleeyda ayaa soo dhaweeyay masuuliyiintaasi katirsan Hirshabeele ee booqday halkaasi, kuwaaa oo kaga war bixiyay halka ay mareyso xaalada maleeshiyaadka Macawiisleeyda ee dhowr mar la dagaalamay Xarakada Al shabaab.

Mudane Jeelle ayaa cadeeyay mowqifka Hirshabeelle ee ku aadan gargaar dhan waliba ah oo lala soo gaaro maleeshiyaadka Macawiisleeyda jooga Hirshabeelle.

“Diyaar ayaan u nahay inaan idinka caawino dagaalka aad kula jirtaan Al shabaab, isla markaana aan idinka taageerno dhanka aan idin siino saanad Military oo aad iskaga dhicisaan Al shabaab” ayuu yiri Wasiirka.

Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa ugu bishaareeyay maleeshiyaadka maamulka inuu garab taagan xili walba, uuna ka caawin doono Weerarada kaga imaanaga Al shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*