Nin Walaakiisa Ku Gowracay Magaaladda Muqdisho+Dhageyso

Nin la sheegay in dhawaan uu Qurbadaha ka yimid ayaa walaalkiisa ku gowracay Degmaddda Holwadaag ee Gobolka banaadir.

Falkaan ayaa ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan halka loo yaqaano Bacadlaha.

Sida ay inoo sheegeen dadka degmdda labada wiil oo walaalo ahaa ayaa waxaa soo kala dhex-galay khilaaf, waxaana mid kamid ah uu soo qaatay toorey isagoo midka kale dhuunta ka galiyay.

Xasan Cali Maxaadeey ayaa la sheegay in uu yahay qofka dilka geystay, islamarkaana uu goobta ka baxsaday dilka kadib.

Dhanka kale Mas’uuliyiinta Degmadda Holwadaag oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in ninka geystay ay ku raad joogaan Hay’adaha amaanka Dowladda Soomaaliya.

Gudoomiyaha Waaxda Xaawo-taako ee Degmadda Holwadaag, Maxamed Cismaciil oo la hadlay simba ayaa sheegay in falkaan uu  dhacay saakay aroortii,islamarkaana lagu raadjoogo dabiilaha.

Sababta ugu weyn ee falkaan ayaa lagu sheegay in ninka dilka geystay uu isticmaali jirey qaadka,islaamarkaana walaalkiisa uu dhowr ugu baaqay in uu iska dhaafo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*