NATO Oo Tababar U furtay Ciidamo ka Tirsan Maamulka Galmudug+Dhageyso

Ciidamada NATO ee la-Dagaalanka Burcad Badeeda Xeebaha Soomaaliya ayaa Tababar u Furey Askar ka tirsan Ciidamada Bada ee Maamulka Galmudug kuwaasi oo Tababarkaan ku Qaadanaya Dusha Markab Dagaal oo ku sugan Xeebta Degmada Hobyo ee Gobalka Mudug.

Gudoomiyaha Degmada Hobyo Cabdulaahi Axmed Cali Faad oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay inTababarkaan ay Bixinayaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada NATO kuwaasi oo ku sugan Dusha Markab Dagaal oo Taagan Xeebta Hobyo waxa uuna Xusay in Ciidamadaan loogu talo-gal la dagaalanka Burcad Kalluumeysiga ee Xeebaha Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*