Nabadoon Lagu Dhaawacay Boosaaso oo Goordhaweyd Geeriyooday

Isbitaalka magaalada Boosaaso ee Gobolka Mudug waxaa goordhaweyd ku geeriyooday Allaha u naxariistee Nabadoon Muuse Xaaji Faarax oo 25 Bishan ay dablay hubaysani ku dhaawacday magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Qaar kamid ah Ehelada Nabadoon Muuse Xaaji Faarax ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida islamarkaana maalmihii dambe uu aad u xanuunsanaa madaama xabadaha ay kaga dhaceyn qeybaha sare ee jirkiisa.

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda dilka Nabadoonka, Al-shabaab ayaa horey u sheegtay Mas’uuliyadda dilal Magaalada Boosaaso loogu geystay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ay ku jiraan maamulihii madaxtooyada Puntland ee Boosaaso, Taliyihii sedexaad ee ciidamada booliska Puntland iyo xeer-ilaaliyahii maxkamadda ciidamada Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*