MW Farmaajo oo Sheegay in Ciidamadda Labo Bilood Mushaar Qaadanin+Dhageyso

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa sheegay in ciidamadda Dowladda Soomaaliya labo bilood aysan qaadanin Mushaaraadkii ay xaqa u lahaayeen.

Madaxweyne Farmaajo oo la Kulmay Saraakiisha iyo Ciidamadda Dowladda Soomaaliya kadib booqasho uu ku tagay wasaaradda Gaashaandhiga ayaa sheegay in dowladda ay bil walba bixin jirtay mushaaraadka Ciidamadda,balse labadii bilood aynu soo dhaafay aysan bixin wax mushaar ah.

“Marka laga reebo labadii bilood ee lasoo dhaafay si joogto ah ayaad u heli jireen mushaarkiina, tanna waxaa keentay arrimo soo kordhay,waad heli doontaa xuquuqdiina, wayna naga go’an tahay in aad heshaa,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa jawaab u ah hadalkii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee ahaa in askarta ay la siiyay mushaaraadkooda, kuwa aan helin ayuu ku sheegay inta aan la diiwaan-gelin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.