Muxuu Shiinaha ka taageerayaa Soomaaliya + Sawirro

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay caasimadda Beijing Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi, iyaga oo ka wada hadlay qaabkii lagu horumarin lahaa, laguna xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

“Shiinaha waxa ay si joogto ah u taageeri doontaa dadaallada Soomaaliya ay ku ilaalsanayso madax banaanideeda, amnigeeda iyo midnimadeeda dhuleed, waxa aynu ka taageeri doontaa Xukuumadda Soomaaliya sii ambaqaadida geedi socodka siyaasadeed, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Cawad ayaa isna yiri “Soomaaliya waxa ay had iyo jeer si adag u taageertaa siyaasadda ku saleysan Dal weynaha Shiinaha oo hal ah”. waxa uu yiri “dalkiisu wuuxuu si firifircooni leh u taageeraa Hindisaha Hil iyo Hilin [Belt and Road Initiative], waxayna rajeyneysaa in ay xoojiso iskaashiga kala dhexeeya Shiinaha dhinacyada dib u dhiska kaabayaasha, beeraha, kaluumeysiga, horumarinta iyo aqoon dhisidda shaqaallaha”.

Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Amb: Axmed Cawad ayaa dalka Shiinaha ugu qeyb galay shirka sideedaad ee madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Wadamada Carabta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*