Muwaadin Soomaliyeed oo Ku Geeriyooday Talyaaniga, Kadib Dab Qabsaday Xarun uu Daganaa

Muwaadin Soomaliyeed oo Magaciisa ilaa haatan  aan la shaacin ayaa dhintay, labo kalena waxaa ku xirmay neefta gudaha dalka talyaaniga, kadib markii ay guri ay daganaayeen uu dab qabsaday.

Dhallinyarada oo tiro ahaan gaaraya 130 qof,ayaa waxaa ay Tahriib ku galeen dalka Talyaaniga,waxaan kaddib la dejiyay Guro ay siisay Dowladda,lix bilood kaddib ayaa laga saaray Guryihii kaddib markii lagu war geliyay in Qaxooti cusub oo ka tagay Afrika ay gaareen Talyaaniga lana dejinayo, waxaa jiray banaanbaxyo ay dhigeen, inkastoo la dajiyay markii dambe Teendho.

Booliska koonfurta dalka talyaaniga qaarada Yurub ayaa sheegay in  3 ka mid ah Dhallinyarada ay isku dayeen  in ay Guriga uu dabka qabsaday ka soo saaraan Dukumiintiyo kaga jiray,waxaana kaddib,halkaas ku naf baxay mid ka mid ah Wiilashii halka labo kale ay neef qabatimeen, inkastoo markii dambe la badbaadiyay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*