Muuse Suudi:-“Xildhibaannada Dhallinyarada ah Haddayna Musuqmaasuq Nagu Soo Kordhin Dalkeena Wuu Dhisamaa”

Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo kamid Xildhibaanada aqalka Sare ee dalka ee laga soo doortay deegaanada maamulka Hir-shabeelle ayaa ka hadlay howlaha horyaalada Xildhibaanada dalka.

Waxa uu sheegay in shaqooyin badan ay horyaalaan Xildhibanada aqalka Sare islamarkaana loo baahan yahay is si wadajir ah loogu qeyb qaato howlahaan.
Xildhibaan Muuse Suudi yalaxow ayaa soo hadal qaaday Xildhibaanada dhalinyrada ah ee ku jira aqalka Sare iyo Golaha shacabka baarlamanka Soomaliya, wuxuuna kaga digay inay Laaluush ku badashaan howlaha qaranka loo qabanayo.

Muuse Suudi wuxuu sheegay in dadka odayaasha ah ee baarlamaanka ka mid ah ay heystaan kaliya hal baasaboor oo Soomaali ah, balse xildhibaanada dhalinyarada ay badankood ka yimaadeen dibada oo labo baasaboor ay wataan, wuxuu uga digay xildhibaanada baarlamaanka inay musuq iyo laaluush ku badashaan masiirka ummada Soomaaliyeed oo ay u dhaarteen.

“Dhallinyarada xildhibaannada ah haddayna musuqmaasuq nagu soo kordhin oo ayna dalalka ay ka yimideen beesada u qaadan, dalkeenu waa dhismaa”,ayuu yiri Xildhibaan Muuse Suudi yalaxow.

Baarlamanka Soomaliya Golaha shacabka iyo Aqalka Sare oo laga soo doortay xarumaha Maamul Goboleedyada dalka ka jira waxaa ku jira dhalinyaro aad u da’yar oo ku cusub siyaasadda Soomaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*