Muuse Suudi oo Xaaf Ku Amaanay Ka Hadlida Arinta Maqaamka Muqdisho

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Magaaladda Nairobi kula kulmay Sanator Muuse Suudi Yalaxow oo ka Tirsan Xildhibaanada Golaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka labadda mas’uul ayaa looga hadlay arinta Maqaamka Magaaladda Muqdisho iyo Natiijadii baxday Shirkii Magaaladda Garoowe.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Galmudug ayaa lagu faahfaahiyay kulanka Madaxweyne Xaaf iyo Sanator Muuse Suudi.

“Madaxweyne Xaaf oo safar howleed u jooga magaalada Nairobi ayaa qaabilay Sanator Muuse Suudi Yalaxoow oo kamid mudanaayasha Aqalka Sare ee matala dadka ku nool Gobalka Banaadir,kadib soo dhaweyn iyo is xog-wareysi guud, Senator Suudi ayaa ku ammaanay Madaxweyne Xaaf dadaalkiisa ku aadan difaacida qadiyada maqaamka Caasimadda oo kamid aheyd ajendayaashi la isku mari-waayey kulankii wada-tashiga ahaa Ee dhawaan Garoowe ku dhex-maray Madaxda DFS iyo Dowlad Goboleedyada dalka”, ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyadad Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.