Muuse biixi:-“Dowladda Farmaajo ayaa Ka Dambeysa Dagaalka Deegaanka Tukaraq”,

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay dagaalka Tuka-raq ee Gobolka Sool ku dhexmaray Ciidanka Somaliland iyo Puntland.

Muuse Biixi ayaa sheegay in deegaanka turaraq uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya uu hogaamiyo Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Somali-land,islamarkaana dagaalka laga soo abaabulay magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

“Puntland iyo Somaliland isma hayaan waa laba deris ah, waa dad isku mida, wax alle wax colaada oo taariikhiyan uga dhaxaysay oo jiraana ma jiraan, wax ay isu qabsadaana ma jirto, waxa weeyi siyaasad ka timid muqdisho dawladeedu ay soo goysay ama ay doonayso inay ku hirgeliso inay tahay maamulka ka taliya Somaliland” Madaxweynaha.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi  ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas uu adeege u yahay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya, sidaasna dagaalka ugu soo qaaday maamulkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*