Musharixii Soomali ah oo Guulo Kasoo Hoyay Doorashooyinka Ka Dhacay Mareykanka

Seddex Xubnood oo Soomaali Mareykan ah ayaa ku guuleystay doorashooyin isreeb-reeb ahaa oo xalay ka dhacday Magaaladda Minnesota ee dalka Mareykanka.

Ilhaan Cumar, Maxamuud Nuur iyo Hodan Xasan, oo Kamid ah Soomaalida ku nool Magaaladda Minnesota ayaa doorashadda guulo muhiim ahaa kasoo hoyay.

Ilhan Cumar oo horay u ahayd xubin ka mid ah Kongareeska Gobolka Minnesotta ee dalka Mareykanka,waxaa ay xalay u soo baxday in xisbiga Dimuqraadiga ay ku matasho Kongareeska sare ee Mareykanka.

Sidoo kale Maxamuud Nuur ayaa ku guuleystay kursiga ay banneysay Ilhan Cumar ee Gobolka ee 60B, waxaana sidoo kale xaafadda 62A ee Minneapolis ee dalka Mareykanka ku guuleysatay Hodan Xasan oo iyana Soomaali ah.

Seddexdan Xubnood  ayaa bisha November ee soo Socota waxa ay la tartami doonaan dadka ka socda Xisbiga Jamhuuriga ah.

Guushaan ay gaareen Xubnahaan Soomaalida ah ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyay bulshadda ku nool dalka Mareykanka,waxaana xalay laga dareemayay guushooda Magaaladda Minnesota.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*