Muddo Seddex Maalin oo Loo Qabtay Madaxweyne Farmaajo iyo Raisulwasaare Kheyre

Kulan Guddiga joogatada Golaha Aqalka Sare ay ku yesheen Xarunta Aqalka Sare oo uu shir guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Muddane Cabdi Xashi Cabdullahi ayadoo Ajendaha kulanka uu ahaa:

Ka tashiga talaabada xigta ee arrinkii xal uraadinta khilaafka Doowlada Dhexe iyo Doowlad-Goboleedyada.

Aqalka Sare ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya in muddo saddex cisho gudahood uu ku soo gudbiyo jawaabtii laga sugayay ee ku saabsan inuu diyaar u yahay wada xaajoodka uu garwadeenka ka yahay Aqalka sare.

Sidoo kale Xukuumadda ayaa iyana laga dalbaday in saddex cisho gudahood jawaabaha ku aadan tabashooyinka laga soo uruurinayay xarumaha dowlad goboleedyada ee lala wadaagay.

Sidoo kale waxaa looga hadlay Katashiga ajendaha Kulanka Guud ee Golaha ee xigo.

Gabab gabada shirka ayaa laga soo saaray warmurtiyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*