Mid Kamid Ah Dowladaha Yurub Oo Dib Usoo Celinaya Kumanaan Qaxooti Soomaaliyeed.

Dowlada Norwey ayaa sheegay in ay dib u celin doonto Qaxooti Soomaaliyeed oo dhawaan ku noolaa xeryo qaxooti oo mudooyinkii ugu dambeeyay lagu hayay.

Hadalkan kasoo baxay Norwey ayaa lagu sheegay 1,600 oo qaxooti Soomaaliyeed ay dhawaan ku celin doonaan dalkii ay kolhore kayimaadeen maadaama haatan xaalada amni ee guud ahaan dalka uu yahay mid aad usoo hagaagay

Dhinaca kale hay’ada udooda dadka magan galyo doonka ah ee soogalaya dalkaasi ee marka magaceeda lasoo gaabiyo looyaqaan (NOAS)ayaa sheegtay in go’ankan ay qaadatay Norwey uu yahay mid aan wanagsaneyn maadama amniga guud ee soomaaliya.

Lataliyaha hay’ada difaaca dadka soo galootiga ah Møkkelgjerd ayaa sidoo kale sheegay in Norwey ay meel kaga dhaceyso nidaambka caalamiga ah ee udagsan hay’adaha udooda dadka magan galyo doonka ah isla markaana ay tahay wax aad looga xumaado.

Boqolaal kun oo qaxooti soomaliyeed ayaa kunool guud ahaan dalkaasi kuwaa oo badankood isticmaalay badaha Meditarenianka si ay ugaaraan Qaarada Yurub, isla markaana aamin sanaa in ay heli doonaan nolol ka wanagsan midii ay kasoo carareen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*